Macluumaadka

Macluumaad Ku Saabsan Cilmi Online

Cilmi Online waa dugsi online ah oo lagu barto Higaada, Quraanka, Xisaabta iyo luuqadaha (English, Arabic, Somali). Ardayduna waxay doortaan maadooyinka ay u baahan yihiin iyo waqtiga ku habboon, iyadoo arday walba uu helayo macalin isaga u gaar ah.

Yuu u furan yahay Cilmi Online?

Cilmi Online waxa ay u diyaarisay waxbarashadan:

Dadka waaweyn
Carruurta

Maadooyinka lagu barto Cilmi Online

Dugsigu waxa uu bixiyaa maadooyin kala duwan oo ardaygu ka dooran doono inta uu ugu baahi badan yahay, waxaana ka mid ah:

  • Higaad
  • Quraan (akhriska, xifdiga)
  • Xisaab (laga bilaabo aasaaska ilaa algebra)
  • English
  • Carabi
  • Somali

Habka fasalka loo dhigto

Dugsiga waxbarashada waxay ku wadaa hab online ah, waxaana ardaygu si toos ah u soo xaadiri doonaa isagoo adeegsanaya barnaamijka loo yaqaan Telegram.

Waqti ku filan oo waxbarasho

Arday kastaa waxa uu helaa waqti ku filan fasalka si uu si dhab ah ugu fahmo casharka.

Macalin u gaar ah (rag iyo dumarba)

Arday kasta wuxuu helaa macalin u gaar ah oo loogu doortay iyadoo loo eegayo baahidiisa.

Fasalal toos ah oo online ah

Dhammaan fasaladu waxay u baxaan toos ah — ma aha kuwa hore loo duubay — si aad si toos ah ula xiriiri karto macalimahaga.

Hada Bilow

Ku biir boqollaal arday oo ku barta Quraanka, Higaada, Xisaabta iyo Luuqadaha online.