Waxbarasho Shakhsi ah oo Hal-ka-Hal ah

ku baro quraanka, higaada iyo maadooyin kale hab online ah

Waxbarasho online ah oo kuu sahlaysa inaad hesho macalin kuu gaar ah meel kasta oo aad joogto, adigoo dooranaya wakhtiga kugu habboon.

Casharka 1aad waa bilaash · Waa ikhtiyaari

500+

Arday

50+

Dal

4.9★

Qiimayn

Fasalka khadka ah ee tooska ah

Ma ku haystaan caqabadahani?

Mashquul iyo waqti la'aan

Caqabad makaa haysataa dhanka mashquulka shaqada ee badan ama goobta waxbarashada oo kaa fog?

Waqtiga fasalada online oo xili ku go'an

Waqtiyada fasalada onlinekaa makaaga beegmeen xiliyada aad shaqaynayso? Ma doonaysay inaad doorato jadwalkaaga?

Qiimaha waxbarashada onlineka oo kugu adag

Ma awoodi wayday qiimaha waxbarashada onlinekaa oo qaali ah?

Macalin la'aanta degaanka

Miyaad ku noosha goob aan laga helin macalin xirfad leh?

Shahaad rasmiya la'aanta

Ma baranaysaa laakiin ma heshid wax shahaad ah oo cadaynaysa dadaalkagaa?

Hab waxbarasho la'aanta

Ma waayo baad ahayd marin habboon oo nidaamsan oo ku soo gudbinaysa tallaabo-tallaabo?

Caqabadda luuqadda

Ma adagtahay waxbarashadu sababtoo ah macalimiinaagu luuqadaada kuma hadlaan?

Xalka

Cilmi Online waxay kuu soo bandhigeysaa xal wanaagsan — Waxbarasho Online, macalin kuu gaar ah, jadwal aad doorato, qiimo macquul ah, meel walba oo aad joogto.

Maadooyinka dugsigu bixiyo

Dooro maadooyinka aad u baahan tahay oo ku baro xawaaraha kugula haboon macalin kuu gaar ah.

Higaada (Akhriska Carabiga)

Waxaad baran doontaa far-akhriska carabiga (Higaad) adoo awoodi doona in aad kaliga quraanka akhrisato.

Daraasaadka Qur'aanka

Waxaad baran doonta akhrinta quraanka oo tajwiid ah iyo sidoo kale xifdiga qur'aanka iyadoo loo marayo hab fudud.

Luuqadaha

Waxaad baran doontaa qoraalka, fahanka iyo ku hadalka luuqadaha kala ah English, Carabi iyo Somali.

Xisaabta

Waxa aad si fudud u fahmi doontaa xisaabta adigoo baranaya casharo ku haboon heerkaaga laga bilaabo aasaaska ilaa algebra.

Casharka 1aad waa bilaash · Waa ikhtiyaari

Maxaad ku Dooranaysaa Cilmi Online?

Fasal kuu gooni ah (one-to-one)

Ardaykasta waxa u dhigaya macalimiin isaga u gaar ah.

Jidwal kugu haboon

Waxa aad dooranaysaa waqtiga iyo maalmaha kugu haboon.

La socoshada horumarka ardayga

Waxa ardayga la siin doonaa application uu kala socdo warbixintiisa waxbarasho.

Macalimiin khibrad leh

Macalimiin khibrad leh oo lagasoo kala xulay daafaha dunida.

Maadooyin kala duwan hal goob

Waxaad hal goob ku wada baranaysaa Higaada, Quraanka, Xisaabta iyo Luuqadaha.

Shahaad Rasmiya ah

Ardayda dhameeya koorsooda waxay helaan shahaad rasmi ah oo Cilmi Online leh, la xaqiijin karo online.

Sideen u bilaabaa waxbarashada?

Saddex tillaabo oo fudud oo aad ku bilowdo.

1

Isdiwaangali

Buuxi formka isdiwaangalinta.

2

Hel macalinka kugu haboon

Waxaan kuu dooraynaa macalin ku haboon heerkaaga iyo jadwalka aad dooratay.

3

Bilawga fasalka

Bilawga waxbarashada si toos ah (1 to 1).

Waxa Ardayda & Waalidku Yidhaahdaan

"Ka hor dugsiga waxa igu adkaa akhriska iyo kicinta quraanka, laakiin hadda alx si fiican ayan u akhriyi karaa."

Maxamed Colaad

"Aad ayuu noo anfacay Dugsigan aniga iyo caruurtayduba waan ku faa'iidnay, MashaAllah!"

🇨🇦Faadumo Nuur Baarre

Canada

"Waxaan muddo raadinay waxbarasho qiimaheedu munaasib yahay laakiin alxamdulilaah aad ayuu macquul u yahay websitekan."

Cabdiraxmaan Jamac

"Alxamdulillah, dugsigu wuxuu noo sahlay inaan hal goob ka wada baran karno Quraanka, Xisaabta iyo Higaada."

Isra Ahmed Nuux

Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo

Hadda Bilow Waxbarasho Nidaamsan?

Ku biir Cilmi Online oo bilow barashada macalin kuu gaar ah, jadwal aad doorato.

Casharka 1aad waa bilaash · Waa ikhtiyaari